AKHRISO:- Maamul Cusub oo loo magacaabay degmada Cabudwaaq

0

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Galmudug ahna kusimaha Madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa isbedel waxaa uu ku sameeyay Maamulka degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Cabduwaaq loogu Magacaabay Faarax Cabdulle Xasan (Samadoon) Guddoomiye kuxigeenka degmada liibaan Cabdi Cali, halka Xoghayaha degmada Cabduwaaq loo magacaabay Faarax Cali Warsame.