Madaxda golaha wadatashiga qaranka oo shir ku yeelanaya Garoowe.

0

Hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay  in ay todobaadka dambe shir ku yeelan doonaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Shirka Garoowe oo dhici doona 21 ilaa 23 bishaan September ayaa la sheegay in looga hadli doono dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

“Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan magaalada Garoowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxda golaha wadatashiga qaranka.

Shirka ay iclaamiyeen madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha federaalka, kaas oo laga cabsi qabo in uu dib u dhac ku keeno doorashada.