AKHRISO:- Urrurada Bulshada Rayidka oo Afar qodob kasoo saaray khilaafka Farmaajo & Rooble

0

Urrurada Bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen khilaafka aan weli xalka laga gaarin ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal ay soo saareen Urrurada Bulshada rayidka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin is afgarad la’aanta madaxda dalka ee la xiriira khilaafka awoodaha sharciya dowladadeed ee soo kala dhex galey labada mas’uul ee Farmaajo iyo Rooble.

Sidoo kale Urrurada Bulshada rayidka waxaa ay sheegeen in Khilaafka siyaasadeed ee madaxda dalka uu niyadjab ku ridey Dadka Soomaliyeed oo
filaayey in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin si nabad ah ku dhaca dalkana u horseeda
isbedel wanaagsan oo horumar leh.

“Bulshada rayidka waxa ay aaminsan tahay in khilaafka siyaasadeed saameyn ku yeelan karo
hay’adaha dowlada si taas looga waantoobo waxaa lagama maarmaan ah in madaxda dalka
ay muujiyaan mas’uuliyad dheeri ah oo lagu xakameenayo khilaafka siyaasadeed oo u eg mid
gacanta ka sii baxayo ayaaagu yiri” Qoraalka Urrurada Bulshada ragidka.