AKHRISO:- Taliska Booliska Hir-Shabeelle oo Ammaro kasoo saaray Amniga Jowhar

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Korneyl Xasan Dhicisow ahna Taliyaha Amniga doorashooyinka ayaa soo saaray ammaro la xiriira amniga Magaalada Jowhar, gaar ahaan kuwo ku saabsan amniga doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka billaawdaan Magaalada.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo Warbaahinta u Akhriyay Amarada ayaa sheegay in dhamaan amaradaas ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo, waxaana kamid ah Ammarada.

1: in laga bilaabo 6:00 maqribnimo la joojiyay Gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Magaalada Jowhar.

2: In la joojiyay in hub lagu dhex qaato Magaalada Jowhar marka laga reebo kuwa fasaxa la heysta laamaha Amniga.

3: In dhamaan Shacabka kunool degaannada Hir-Shabeelle ay si dhow ula Shaqeeyaan Ciidamada ayna muujiyaan feejignaan badan lana soo wadaagaan xogta ka dhanka ah Amniga Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle.

4: In uusan jiri karin askari hubeysan oo dhex lugeyn kara Magaalada Jowhar oo aan ka aheyn kuwa loo xilsaaray sugida Amniga, sigaar ah in la farayo musharixiinta inay xakameeyaan ilaaladooda kuna ekaadaan Goobaha ay degan yihiin.

5: In dhamaan Ciidamada qalabka sida la farayo inay ka feejignaadaan inay rasaas ridaan, iyada oo aan lagu gudaneyn waajibaad Shaqo.

6: in uusan jirin karin qof ku heysan kara hub ama Gaadiid dagaal, kaas oo aan fasax ka heysan Hay’adaha Amniga Magaalada Jowhar.

7: In Hay’adaha Amniga Hir-Shabeellebay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid walba oo ku xadgudubta awaamiirta aan bixinay.

Amaradaan la xiriira Amniga ee kasoo baxay Taliska Booliska Hir-Shabeelle ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in Maanta ay Jowhar ka bilaabato diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare, sidoo kalena Maalinta Isniinta ah ay bilaabato doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.