AKHRISO:- Madaxweynaha Hirshabeelle oo si kulul uga hadlay dagaallada ka socda Hiiraan

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kabxanlay ee Waqooyiga Magaalada Beleddweyne.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.

Waxaa uu sheegay in aan la aqbali Karin dagaallo ka dhacaan degaankaasi oo ay kunool yihiin dan yar oo ku barakacay.

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay kala dhex galaan beelaha dagaallamaya si loo soo celiyo xasiloonidii degaanka.