AKHRISO:- Dagaal markale ka dhacay Hiiraan & DFS oo ka hadashay.

0

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu markale ka dhacay degaanka Kabxanleey ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo daba socda mid shalay Gelinkii hore ka dhacay degaanka Kabxanleey ayaa wararka horudhaca ah ee la helayo waxaa ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 5 ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maleeshiyaadka dagaalamay qaarkood ay gubeen Guryo iyo beero ay lahaayeen dad Shacab ah, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa uu Baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir Muqtaar ayaa waxaa lagu dalbaday in maleeshiyaadka dagalamaya ay si shuruud la’aan ah dagaalka u joojiyaan.