AKHRISO:- Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

0

Taliska Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay soo bandhigeen Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay sheegeen in uu isku soo dhiibay Ciudanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Cali Ibraahim oo mudo dheer Al-Shabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Gorgor ee Galmudug ka howlgala kadib markii sida uu sheegay uu ku qanci waayay dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ku heyaan shacabka Soomaaliyeed.

Cali Ibraahim oo ka yimid dhanka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa muddo badan ka yirsanaa Ufurka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale ka qeyb qaataan dagaalo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxaa ay aoo bandhigee Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo Ciidamada isku soo dhiibay.