Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo howlgallo kawada deegaanka Camaara

0

Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka howlgallo kawada duleedka degaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Deegaankan ayaa shalay waxaa dagaal kula wareegay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, inkastoo markii dambe ay dib ula wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Sidoo kale, waxaa deegaankaas shalay ka dhacday duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday xubno katirsan Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalamayaal katitsan Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan waxaana socda howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Horraantiii bishan ayey ahayd markii ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug ay degaannada Bacaadweyne, Camaara iyo Qeycad ka saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab.