SAWIRO:- Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maanta ka furmay caasimadda Muqdisho.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa dhammeystirka dhaqan-gelinta heshiisyadii laga gaaray hannaanka doorashooyinka, diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka iyo xaqiijinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka.

Furitaanka Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay madaxda Dowlad Goboleeyada aan dhammeystirin Hannaanka Doorashooyinka Aqalka Sare in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare, si looga baaqsado dib u dhac kale, loona fuliyo jadawalka doorashooyinka.