AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay Midowga Musharixiinta oo kulamadooda War kasoo saaraya

0

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku leeyihiin Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kulankooda uga hadlayo xaalada dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Kulanka oo furmay Sabtidii todobaadkaan ayaa waxaa ay sigaar ah uga hadlayaan walaaca iyo walwalka ay ka qabaan doorashada labada aqal iyo qaabka ay Madaxda Dowlad Goboleedyada u maareeynayaan iyo hufnaan la’aanta ka muuqata doorashooyinkii Aqalka Sare.

Shalay ayaa Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay Warbixin ka dhageysteen gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Heer Federaal, iyaga oo kala hadlay sidii doorashada Golaha Shacabka ay u noqon laheyd mid ku dhacda si xur iyo xalaad ah.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Midowga Musharixiinta ay soo geba-gabeeyaan kulankoda, iyaga oo soo saari doona war-saxaafadeed ay ku cadeeynayaan mowqifkooda doorashooyinka Aqalka sare ee billowday iyo qabsoomida doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.