AKHRISO:- Maxaa ka jira wararka sheegaya in C/rashiid Janan u wareegay Mucaaradka

0

C/rashiid Janan Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland oo bilo ka hor isku dhiibay dowladda Federaalka, kaddib heshiis uu la galay ayaa la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex isaga iyo Agaasimaha Nabadsugida Fahad Yaasiin oo ahaa ninka malafkiisa gacanta ku hayay.

Khilaafkan ayaa salka ku haya arrinta Gobolka Gedo iyo damac C/rashiid Janan uga jira inuu doonto Kursi Xildhibaannimo.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu xill habeenimo ah ka guuray guri uu degenaa oo ku dhow Xarunta Nabadsugida, halkaasoo ay ku ilaalin jireen Ciidanka Nabadsugida.

Wararka ayaa intaa ku daraya in C/rashiid Janan uu ku sugan yahay mid ka mid ah guryaha Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Xiisad ayaa laga soo sheegayay in maalmihii la soo dhaafay ka jirtay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo dhaq dhaqaaqyo ka wadeen maleeshiyada taabacsan C/rashiid Janan.

C/rashiid Janan ayaa sanado gudahood sameeyay is bedelo dhowr ah oo labada dhinac ee isku haya siyaasadda ugu kala wareegay, iyadoo marna dowladda Federaalka ka soo baxsaday, marna isku dhiibay, waxaana ugub ah inuu hadda Mucaaradka saldhigooda yahay Muqdisho u galay una magangalyo doontay.