AKHRISO:- Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la sheegay in uu isku soo dhiibay Xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Ninka oo Magaciisa lagu sheegay Asad Shariif Abuukar ayaa saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in Ninkaan uu muddo ka tirsanaa AlAl-Shabaa , isla markaana meelo badan uu kasoo Shaqeeyay.

Saraakiisha Ciidamada ku sugan degmada Awdheegle oo Ninkaasi soo dhaweeyay ayaa waxaa ay sheegeen in uu la soo xiriiray kadibna ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen, waxaana ay ugu baaqeen ragga kale ee ka tirsan Al-Shabaab inay isaga soo tagaan.

Ninkan la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab ee Ciidamada dowladda isku soo dhiibay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Magaalada Baydhabo lagu soo bandhigay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa-soo dhiibay.