AKHRISO:- Golaha Ammaanka ee QM oo shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

0

Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo khamiis Gelinka dambe ay isugu yimaadaan shir ay ugu hadlayaan xaaladaha kajira xilligaan dalka Soomaaliya & waxa u baahan in wax laga qabto si looga gudbo.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha dorashooyinka Soomaaliya oo qaarkood billowday, dhaqaalaha ku baxaya iyo sidoo kale arrimo ay kamid yihiin fatahaadaha.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa warbixin siin doona Xubnaha shirka.

Wakiilada Qaramada Midoobay ee shirka ka qeyb geli doona oo dhankooda khudbad ka jeedin doona ayaa ka hadli doona balan qaadyo ay u sameyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladda looga taageero dhinacyada amniga iyo doorashooyinka.

Kulanka Golaha Ammaanka ee QM ay Maanta ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Soomaliya ay ka billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare, basle ay jiraan caqabado kale oo u baahan in wax laga qabto.