Madaxweynaha Tunisia oo kala diray baarlamaanka, shaqadana ka ceyriyay R/wasaarihiisa

0

Madaxweynaha Tunisia ayaa shaqada ka ceyriyay raiisul wasaaraha, isla markaana kala diray baarlamaanka, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay guud ahaan wadanka.

Kumanaan kun oo mudaaharaadayaal ah, oo ka careysan qaabka khaldan ee dowladda u maamushay xanuunka ‘Covid-19’, ayaa soo buux dhaafiyay waddooyinka waxayna isku dhaceen booliska.

Madaxweyne Kais Saied ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegayo xilka isagoo gacan ka helaya ra’iisul wasaare cusub, waxa uu sheegay inuu damacsan yahay inuu dejiyo xaaladda dalka oo uu dib usoo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta.

Balse dadka ka soo horjeedaa waxay ku tilmaameen talaabadiisa in ay inqilaab tahay.

“Waxaan qaadanay go’aannadan … illaa inta nabadda ay ku soo noqoneyso Tuunisia iyo oo aan badbaadinno dowladda,” ayuu Mr Saied ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay ka dib kulan deg deg ah oo amniga looga hadlay oo ka dhacay qasrigiisa.

Gelinkii dambe ee habeenkii Axadda, ka dib go’aanka madaxweynaha dibadbaxayaashu ayaa sameeyay dabbaal degyo ay ku taageerayaan warka ah in raiisel wasaare Hichem Mechichi la ceyriyay.

Kumanaan kun oo qof ayaa banaanbax ka dhan ah xisbiga talada haya ka dhigayay caasimada Tunis iyo magaalooyin kale, iyagoo ku qeylinayay “banneeya meesha!”, Waxayna ku baaqayeen in baarlamaanka la kala diro.

Ciidamada amaanka ayaa xiray baarlamaanka iyo wadooyinka ku xeeran bartamaha Bourguiba, oo ah xaruntii ay saldhigga u ahayd mudaharaadyadii looga soo horjeeday dowlada intii lagu gudajiray kacdoonkii Tunisia ee sanadkii 2011.