Koofur Afrika oo ciidamo milateri ah geysay goobaha ay ka socdaan rabshadaha

0

Xukuumadda Koofur Afrika ayaa milateriga geysay goobaha ay ka taagan yihiin rabshadaha ka dhashay xariga madaxweynihii hore ee waddankaas, Jacob Zuma.

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika oo warbaahinta la hadlay ayaa ciidanka ku amray in si deg deg ah loo joojiyo rabshadaha ka socda dalkaasi, islamarkaana ay ciidanka dib u soo celiyaan nabada iyo xasiloonida dalka Koofur afrika.

Dad mudahaaradaya ayaa boobay isla markaana dab qabad siiyay dhismayaal ku yaal dalkaas, xilli Zuma uu racfaan ku aaddan xarigiisa u gudbiyay maxkamadda u saraysa Koonfur Afrika.

Rabshadaha oo billowday todobaadkii hore markii uu isa soo dhiibay Zuma ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 qof, halka 200 oo qof xabsiga loo taxaabay.

Zuma oo noqday madaxweynihii u horreeyay ee xabsi loogu taxaabo Koonfur Afrika ayaa loo haystaa musuq-maasuq dhacay xilligii uu dalka xukumayay. Waa uu beeniyay eedeymaha lagu soo oogay.