Maamulka Gobolka Banaadir Oo Qatar Kala Hadlay Arrin Muhiim Ah

0

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xiireey Axmed Roble ayaa ku booqday Xarunta Safaaradda Qatar ay ku leedahay Magaalada Caasimadda ee Muqdisho Danjire Hassan Hamza Asad Hashem.

Danjire Hamza iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta dhameystirka Mashaariicda ka socda Magaaladda iyo sidii loo Horumarin lahaa Mashaariicda la filayo Mustaqbalka oo ay Safaaraddu wakiilka uga tahay Dowladda Qatar iyo dhamaan Hay’adahooda Kheyriga ah.

Kulanka dhexmaray Safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo idlaaday is afgarad iyo isfaham dhamaystiran waxaana lagu balamay in lajoogteeyo kulamadda noocaan ah.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladdaha mashaariicda horumarineed ka fuliya gudaha Magaalada Muqdisho, isla markaana dowladda Federaalka ka taageerta dhinacyo kala duwan, waxaana Qatar ay galaangal ku leedahay Arrimaha siyaasadda ee gudaha dalka.