SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Mudane Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulan ka ay ku weheliyeen Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Maamumlka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden taageeradeeda dalkeenna ay la garab taagan yihiin, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda kulanka ku wehelisay ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago shacabka Soomaaliyeed geeddi socodka dimuqradiyadeed iyo dowlad dhiska dalka.

Dhankiisa, Wasiirka ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee maanta laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.