Mareykanka oo war ka soo saaray shirka maanta furmayo Muqdisho

0

War kooban oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxaa taageero buuxda looga muujiyay dadaallada uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble ku agaasimayo shirka dib loogu bilaabayo ee wada hadallada doorashooyinka.

Mareykanka ayaa soo dhaweeyay shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeya madaxda Soomaaliya

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa waxay ku baaqeen madaxda Dawladda Federaalka ah iyo Madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah Federaaalka inay shirka ka qayb galaan si ku dhisan niyad wanaag oo aan lahayn wax shuruud ah.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in uu si rasmi ah maanta oo Sabti ah uga furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.