Ergeygii Midowga Afrika Ee Soomaaliya Oo Is Casilay

0

Ergaygii ururka Midowga Afrika u magacaabay Soomaaliya ee dhexdhexaadinta khilaafkaadka siyaasadeed oo ah madaxweynihii hore ee Ghana, John Dramani Mahama, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay ku saxeexantahay kaaliyaha gaarka ah ee John Dramani Mahama, oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee uu ku leeyahay internet-ka iyo weliba Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in warqad uu u qoray gudoomiyaha Midowga Afrika uu madaxweynaha hore kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika

“Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”.
Horay Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay aqbasho ergaygaa gaarka ah ee uu Midowga Afrika u magacaabay.

Warqad wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya u dirtay gudoomiyaha Midowga Afrika, ayey ku wargalisay in aanay aqbalayn oo aanay ku taageeri doonin Mahama hawshaa ururku u igmaday.