Weerar Xaga Cirka Ah Oo Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhawr iyo toban ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay weerar xaga cirka ah oo lagu qaaday deegaanno ka tirsan gobolka.

Weerarka oo ay fuliyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Al-Shabaab iyo goob ay doonayeen inay weerarro ka soo qaadaan, sida uu sheegay Maamulka Golbolkaasi.

 Guddoomiyaha gobolkaasi Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay duqeeyeen Ciidanka AMISOM gaadiid dagaal oo ay Al-shabaab leeyihiin, waxaana uu intaas ku daray in howlgalkaasi ay si gaar ah uga fuliyeen inta u dhexeysa degaanada Tawakal iyo Kali-Aseyle.