Mareykanka oo Safiir cusub u soo magacaabaya Soomaaliya

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka filayaa inuu Safiir cusub u soo magacaabo Soomaaliya, kaasoo bedelaya Donald Yamamoto oo howshiisa diblomaasiyadeed u soo dhamaatay.

Safiirka cusub ee bedelaya Yamamoto ayaa lagu magacaabaa Lary Edward Andre, kaasoo ahaa Safiirka Jabuuti tan iyo sanadkii 2017.

Lary ayaa sidoo kale Safiir ka soo noqday dalalka Mauritania iyo Koofurta Suudaan, waa 60 jir, tan iyo sanadkii 1990 ayuu ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ku leh Safaarad, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.