DFS oo sheegtay in la dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab, ka dib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Darawiishta Jubbaland howlgallo wadajir ah ka sameeyeen degaano ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha degaanka Buulo-Gaduud,  Mahad Mataan Buulle oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen Ciidamada lagu dilay ilaa 10 isugu jira saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ma sheegin magacyada saraakiisha iyo xilalka ay ka hayeen gudaha Al-Shabaab.

Saraakiisha howlagalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay si gaar ah howlgalka uga fuliyeen degaannada, Koban, Araare, Lafaha-Ragga iyo Xero–Shiid kuwaas oo dhamaantood u dhaw degaanka Buula–Gaduud ee gobalka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha waxaa uu sidoo kale, sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana la doonayay in Al-Shabaab looga saaro degaannada howlgalka laga fuliyay.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamada dowladda, ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan.