Madaxweyne Qoorqoor Oo Booqday Deegaano Al-Shabaab Lagala Wareegay

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay kormeeray furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanaada Sinadhaqo iyo labi-dulle ee hoostega Magaalada Dhuusamareeb oo dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii Al-shabaab maalmo kahor loogla wareegay deegaanadii uu tegay ku boggaadiyay howlghalka ay fuliyeen, isagoo Ciidanka faray inay sii wadaan.

Isaga oo warbaahinta la hadlaayay Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin xoojinta iyo garab istaaga Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa maamulkiisa, isla markaana ay ku taageeraayan howlgalada socda.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa tilmaamay in inay difaac u yihiin maamulo kale oo ay ka hortaagan yihiin weerarada Al-shabaab, wuxuuna yiri “Maahan Galmudug oo kaliya maamulo ayaan ka hor taaganahay oo aan hubo haddii aanan hortaagneyn ay dhaqso ku gaari lahaayeen, annagaa hortaagan oo difaaceyna”.

Kormeerka uu Madaxwaynaha Galmudug ku tegay furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanaada Sinadhaqo iyo labi-dulle ee hoostegaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka sida Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha deegaanada.