Amiirka Urdun Hamzah oo saxiixay warqad cadeyneysa inuu daacad u yahay Boqorka

0

Amiir Hamzaha Jordan ayaa saxiixay warqad uu ku balan qaaday inuu u hogaansamayo dhaqamada iyo qaababka qoyska boqortooyada ee Hashemite ee xukuma.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamada boqortooyada xabsi guriga la geliyay Amiir Xamzah ayaa la fududeynayaa.

“Waxaan ahaan doonaa mid daacad u ah dastuurka Boqortooyada Haashimite ee qaaliga ah ee Urdun, mar walbana waxaan noqon doonaa mid caawimaad iyo taageero u fidiya haybaddiisa boqorka iyo amiirkiisa dhaxalka leh.”ayaa ka mid ah waxyaabihii ku qornaa qoraalka uu saxiixay amiirka.

Amiir Hamzah, amiirkii hore ee dhaxalka boqornimada, ayaa saxiixay warqadda kadib markii uu la kulmay amiir Xasan, boqorka adeerkiis, iyo amiirro kale Isniintii sida ay shaacisya maxkamadda boqortooyada.

“Danaha dalka hooyo waa inuu ka sarreeyaa tixgelin kasta. Dhammaanteen waa inaan garab istaagnaa boqorka dadaalkiisa ku aaddan ilaalinta Jordan iyo danaheeda qaran, ”ayaa lagu yiri warqadda.