Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta safar ku tegaya magaalada Dhuusamareeb, maadaama ay ka dhamaatay mudadii 45-ka cisho aheyd ee dastuurka Galmudug uu u ogolaanayey in Madaxweynuhu ka maqnaa karo deegaanka.

Safarka Madaxweyne Qoor Qoor uu maanta ku tegayo Dhuusamareeb ayaa ku qotoma kaliya inuu soo qaato ogolaanshaha waqti kale oo deegaanka uu ka maqnaan karo.

Dad u badan xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa shalay galab soo xaadiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, si loo soo dhaweeyo Qoor Qoor, balse gabal-dhicii ayaa lagu war-geliyey inuu baaqday.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradaha ayaa ka cudur daartay in goor habeen ah ay ka degaan Dhuusamareeb, sidaas ayuuna dib ugu dhacay safarka madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug markii uu maanta gelinka hore tago Dhuusamareeb waxaa la sheegay in gelinka dambe ee isla maanta uu dib ugu soo laabanayo Muqdisho ama ugu dambeyn gelinka hore ee Talaadada berri.

Shirarkii hor-dhaca u ahaa shirweynaha xalka looga gaarayo khilaafka doorashada ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay Afisyooni uga socday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Waxaa la qorsheeyey in shirka laga soo nasto Isniinta maanta ah, isla markaana madaxdu ay soo sameeyaan la tashiyo la xariira qodobadii la isku mari waayey, si maalinka xiga ee Talaadada loo sii amba qaado wadahadallada loogu gogol xaarayo shirka guud.