Galmudug oo xukunno ganaax ah ku riday 31 qof oo ajaanib ah

0

Maxkamada Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ganaax mid 700 boqol oo doolar ah ku riday 31 Ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay Biyaha xeebaha Soomaaliya ee udhaxeeya Magaalooyinka Xarardheere iyo Hobyo, Doontaan Oo Aay Dhawaan Soo Qabteen Ciidamada ilaalada Bada iyo xeebaha Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagala wareegay doontii iyo qalabkii ay wateen, iyo sidoo kale lix ton oo kalluun ah oo laga jilaabtay badda Soomaaliya, dhammaan dadka la xukumay waxa ay kasoo jeedaan dalka Yemen, Marka laga reebo hal nin oo turjumaan Soomaali ah .

Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 ruux, hase ahaatee 8  ka mid ah ayaa ah Caruur aan qaangaar ahayn sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu.

Maxkamadda ayaa u digtay doomaha iyo ganacsatada sida sharcidarrada ah uga kalluumaysta Biyaha Galmudug.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo dhowaysay xukunka  ay maxkamaddu gaartay, ayadoo sidoo kale ay wasaaraddu ammaantay ciidamada ilaalada badda Galmudug oo ku guulaystay hawlgallo ay ka fuliyeen xeebaha iyo badda Galmudug.