R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo maanta la filayo in ay shir yeeshaan

0

R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta la filayaa in ay kulan ku yeesheen hotel ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jawi wanaagsan iyo is faham ugu bilaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya.

Shirka Madaxda dowladda  Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa inuu furmo maalinta Talaalada ah, waxaana looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha doorashooyinka soo socda.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa wado dadaalo lagu dhameynayo ismari waaga ka taagan arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in faham horudhac laga gaaray shirkaasi.