Ololaha doorashada Jabuuti oo maanta bilaabanaysa.

0

Waxaa maanta magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti  ka bilaabanaysa  ololaha doorashada dalkaaasi, waxaana markii shanaad u sharaxan qabashada xilka madaxtaxnimo ee dalkaasi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Laakiin waxaa ilaa hadda isasoo taagay hal siyaasi oo tartanka ku wajihi doona.

Zakariye Ismaaciil Faarax ayaa sheegay in uu loollan galin doono madaxweynaha muddada dheer xukunka hayay, wuxuuna sheegay in uusan ka cabsaneynin ku shubasho, rajadiisuna ay ku xiran tahay oo kaliya go’aanka shacabka.

Hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashada April oo ay ku tilmaameen riwaayad.

Ma jiro  guddi madax bannaan oo maamula doorashooyinka Jabuuti, waxaana howlaha doorashooyinka dusha kala socda wasaaradda arrimaha gudaha.

Mucaaradka ayaa ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay mucaaradka iyo dowladda 2014-kii isku afgarteen in la  sameeyo  guddi madax bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka.

Muddo 22 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle soo ahaa madaxweynaha Jabuuti, haddana wuxuu u raadinayaa  inuu xafiiska sii joogo shan sano oo kale.