Dowladda Shiinaha Oo Taageertay Mowqofkii Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye.

Dowladda Shiinuhu waxay caddaysay in ay ixtiraamayso madaxbanaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh.

Hadalka Dowladda Shiinaha ayaa imaaanaya iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya ay digniin u diratay Hay’ado iyo dalal ku xadgudbay madaxbannaanida Soomaaliya, kuwaasi oo Soomaaliya ula tacamula sidii dal aan Dowlad lahayn