Madaxweyne Mustafe Cagjar oo isku shaandeyn ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada

0

Waxaa maanta isku shaandeyn lagu sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Isbaddaladan waxay saameeyeen wasiir ku xigeenno, mareeyeyaal iyo agaasimeeyaal.

Lama sheegin sababta ka dambeysay tallaabadaas.

Tallaabadan ayaa noqoneysaa tii ugu bandeynd ee hal mar isbaddal noocan ah lagu sameeyo mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.