DFS oo ku baaqday in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Gedo

0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa ku baaqay in si deg deg ah gurmad biyo dhaamin loo gaarsiiyo bulshada ku nool Gobolka Gedo.

Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa sheegay in biyo la’aanta ka jirta qaar ka mid ah gobolada dalka ay keentay roobabkii deyrta oo aan weli ka da’in gobolada dalka, taasi  oo ka dhalatay biyo yari iyo abaaro ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

“Abaarta waxa ay ku dhufatay deegaanno ku yaala Maamul Goboleedka Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,  Hay’adda Unicef ayaa ka soo jawaabtay codsigii ahaa in dadka abaartu saameysay biyo dhaamin loo sameeyo, waxaana ay biyo dhaamin ka bilaawday afar magaalo oo gobolka Gedo ah oo ay ka midyihiin Baardheere, Buurdhuubo, Luuq iyo Doolow” ayuu yiri Wasiirka Tamarta.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay gacan weyn ka geystaan sidii loogu gurman lahaa walaalaha Soomaaliyeed ee ay biyo la’aantu saameysay.

Wasiirka ayaa yiri “Magaalooyinka xaaladda deg degga ah ka jirto ee u baahan gurmad deg deg ah waxaa ka mid ah Belad Xaawo, Luuq, Doolow, Ceelwaaq, Garbahaareey, Buurdhuubi iyo Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo, Yeed oo gobolka Bakool ah, Buur-hakaba, Bardaale iyo Qansaxdheere oo Gobolka Baay ah, iyo Beladweyne oo Gobolka Hiiraan ah”.