DFS oo ka deyrisay xaaladaha abaareed ee ka jira dalka

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta xiligan ka jirto deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolada Gobolada Gedo, Jubbooyinka.

Shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho ku qabteen guddi ka kooban wasiiro ka tirsan XFS, kuwaasi oo uu Ra’iisul wasaare Rooble u xilsaaray ka soo tala bixinta abaaraha ka jira dalka  ayay kaga hadleen sida ay dowladdu u wajaheyso abaarahan saameeyay nolosha dadka ku nool goboladaasi.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa walaac ka muujisay abaaraha iyo musoobooyinka ka jira qeybo ka mid ah gobalada dalka.

Sidoo kale wasiir Khadiijo ayaa sheegtay in ay muhiim tahay iskaashiga ka yimaada Dowladda Federaalka, Hay’adaha gar gaarka iyo Beesha Caalamka in loo isticmaalo sida ugu munaasabsan ee Dadkaa wax lagu gaarsiin karo.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in 2.5 milyan oo qof oo soomaali ah oo kunool gobolada dalka ay wajahayaan Xaalad Bini’aadanimo.

Deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada, mana jiraan weli gurmad deg deg ah oo la gaarsiiyeen dadka halkaasi ku dhibaateysan.