Ciidamada DF oo xiray waddooyinka gala taallada Daljirka

0

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba xiray waddooyinka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka uBanaadir.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa in ay ka soo agdhawaadaan wadooyinka gala Taalada Daljirka Daahsoon.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Golaha Midowga Musharixiintu uu ku adkeystay in banaanbaxa uu ka dhacayo Taalada Daljirka Daahsoon, xilli Xukuumadda ay u jeedisay in loo bedalo Garoonka Cayaaraha ee Eng Yariisow Degamda Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.