Isbadal ku yimid qaabkii ay Mareykanka howlagalada uga fulin jireen Somalia.

0

Jariidada New York Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday maanta oo Khamiis ah in Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu isbadal ku sameeyay qaabka ay Ciidamada sida gaar ah u tababaran iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ay howlagaladda gaarka ah uga fuliyaan wadamo ay ku jirto Soomaaliya.

Siyaasadaan cusub oo mid KMG ah ayay Jariidadu tilmaamtay in ay tahay mid loo qaaday dhinaca la dagaalanka argagexisada gaar ahaan meelaha ka baxsan degaanada colaadaha sida wadamada Somalia, Afgaanistan, Iraq iyo Yemen.

Siyaasada cusub ayaa ah in CIA da iyo Ciidamada Mareykanka ay howlgaladda ka fuliyaan Soomaaliya ay marka hore ogolaanshiyo kaga haystaan aqalka cad ee Mareykanka taa ah mid wax ka badalaysa siyaasadii Madaxweynihii hore Mareykanka Donald Trump uu ugu ogolaaday ciidan iyo sirdoonkaba in go’aanka ay iskood u gaari karaan meelaha ay howlagalada iyo duyeymaha ay ka geesanayaan.

Mas’uuliyiin diiday in warbaahinta magacoodi loo adeegsado ayaa jariidada New York Times u sheegay inay bilaabatay dib u eegista howlgalada Africom iyo kuwa lamid ah ay wadamada ay ku badan yihiin kooxaha argagaxesida ay ka sameeyan.

Lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Biden Jake Sullivan ayaa qorshahaan gudbiyay 20kii Janaayo maalinta xilka loo dhaarinayay Biden.