Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Kenya Ee Ku Sugan Soomaaliya

0

Taliska Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa waxay sheegeen inay Isbedel ku sameeyeen Hoggaaminta Ciidankooda ku sugan qeybo ka mid ah Somalia.

Jeneral Jeff Nyaga ayaa loo soo magacaabay Taliyaha Cusub, waxaana uu xilka kala wareegay Taiyihii hore, Jeneral Paul Kahuria Njema. Xafladda Xil wareejinta waxaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Taliska Qeybta 2-aad ee AMISOM oo ku taalla Degmadda Dhoobley oo ka tirsan Gobalka J/Hoose, una dhow Xuduudka Kenya

Taliyaha xilka lagala wareegay ee Jeneral Paul Kahuria Njema waxa uu xilkaasi hayey tan iyo bishii Feberaayo ee sanadkii hore ee 2020-kii.

Ciidanka Kenya waxay markii ugu horeysay Somalia soo galeen bishii October 11-dii ee sanadkii 2011-kii, ka hor intaysan qeyb ka noqonin Taliska Ciidanka Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Ciidankaasi  waxay ka hawl-gaaan qeybo ka mid ah Gobolada Jubbooyinka, iyagoo shaqo-wadaag la ah Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland.