Golaha Wasiirada Galmudug Oo Kulan Deg-Deg Yeeshay Iyo Go’aan Lasoo Saaray

0

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa Maanta oo sabti ah kulan deg deg ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo kulanka uu shir guddoomiyay ku-simaha Madaxweynaha Galmudug ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray inta uu socday xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee COVID-19 ee deegaanada maamulka, waxaana Golaha Wasiirada ay dood dheer ka yeesheen sidii looga hortegi lahaa Cudurka.

Wasiir dowlaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan Xaaladaha Cudurka COVID-19 iyo qorshaha Wasaaradda u dejisay dadka uu soo rito Cudurka.

Sidoo kale Wasiir dowlaha ayaa oo ka hadlay go’aanada shirkan kasoo baxay ayaa waxaa uu sheegay in isla gartay in dib loo furo dhamaanba Xarumihii karantiilka ee degmooyinka Galmudug, isagoo dadka ugu baaqay inay kala fogaadan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqey Guddi ka kooban 9-xubnood oo isugu jira Wasaaraddo ay hormuud u tahay Wasaaradda Caafimaadka, kuwaa oo diyaarin doona qorshayaasha la tacaalida Safmarka COVID-19.

Todobadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Magaalada Dhuusamareeb laga diiwan-geliyay 13 kiis oo ah Cudurka COVID-19, waxaana dadka laga helay Cudurka la geliyay xaalad karantiin ah.