DHAGEYSO:- DF Somalia oo ku dhowaaqday inaan Muqdisho lagu Qaban karin Banaanbax iyo Arin Xasasi ah

0

Dowladda Soomaaliya ayaa  ku celisay markale in aan dalka Soomaaliya ka dhici karin banaanbax lagu taageerayo amaba loogaga soo horjeedo dowlada iyadoo dhowaan ay ku baaqeen Midowga Musharaxiinta banaanbax ballaaran oo ka dhaca Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id goor dhow ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirar dhowr ah oo dhacay iyo qiimeyn la sameeyay lagu joojiyay isku soo baxyada dadweynaha, si looga feejignaado faafitaanka cudurka COVID-19.

“Lama qaban karo isu imaatin nooc walba oo uu ahaado maadaama dalka uu ka jiro cudurka Covid 19,”ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in xilligan aan loo baahneyn isu imaatin ciddii dooneysa inay hadashana ay isticmaali karto warbaahinta.

“Xilli waxaa ku jirnaa in warbaahintu malaayiin warka ku gaarsiiso,uma baahnin banaanbax.dowlada iyo kuwa aan dowladu ku jirin ha adeegsan warbaahinta.”ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

“Ma jirto wax baahi ah oo aan u qabno in dad la isugu keeno waxaan u baahanahay oo kaliya kaamerooyin,isu soo bax lama oga,caburin mar jirto,qof la caburiyay haddii ay jirto waa noo sheegi kartaa.”ayuu sii raaciyay.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya, isla markaana uu yaal hub farabadan, sidaasi daraadeedna aan la ogoleyn banaanbax.

Xasan Xundubey wasiirka amniga oo xilligii uu shirka jaraa’id jeedinayay uu dhinac taagnaa wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ay jiraan wadahadalo socda oo ra’iisul wasaaruhu horkacayo,balse ma sheegin in wadahadaladu ay yihiin kuwo ay dowladu la yeelanayso midowga musharaxiinta.