Madaxda Dowlad goboleedyada oo maanta lagu wado in ay soo gaaraan Muqdisho

0

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay magaalada Muqdisho soo gaaraan madaxda dowlada  goboleedyada dalka, si ay ugu qeyb galaan shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho

Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in madaxweyneyaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho,inkastoo wax walbo ay isbadeli karaan.

Shirka  wadatashiga ah ayaa waxaa uu  saldhig u yahay talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Shirka ayaa la filayaa in lagu saxiixo heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada, kadib markii guddigii farsamo ee ku shirsanaa magaalada Baydhaba ay heshiis ka gaareen qodobadkii la isku hayey.

Baaqan ayaa ku soo  aadaya  iyadoo kulan horraantii bishan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka ku dhexmaray magaalada Dhusamareeb ee Galmudug uu fashil ku soo dhamaaday, kadib markii la isku mari waayay qodobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan ka tirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku hayso dowladda federaalka.

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqyo  kala kulmayay beesha caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada la isla oggol yahay.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.