Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika

0

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Koonfur Africa, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilka loo gaystay muwaadinka.

Magaalada Darban ee dalka koonfur Afrika ayaa lagu dilay Marxuumka, waxaana lagu  magacaabi jiray Mohamed dhere, kaasi oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsata dalkaasi Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay dileen Rag hubaysan oo aan Heeb tooda lagaran, kuwwasi oo goobta isaga baxsdaya dilka kadib.

Dilalka loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku ganacsada ayaa maal mihii u dambeeyay soo kordhayay, waxaa inta badan dilalka fuliya kooxo burcad koofur Africaan ah.