Madaxweyne Qoorqoor Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Dowladda

0

Madaxweynah Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi la socday oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdiga Wasiirka uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kala hadlay xaaladda deegaanka Galmudug iyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee socda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixino siiyay Wasiir Xasan Xuseen, waxaana Wasiirka gaashaandhigga uu Qoorqoor faah faahin dhankiisa ka siiyay ujeedka socdaalkooda ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka wafdiga Wasiirka gaashaandhiga ee Galmudug ayaa la xiriirta Qiimeynta xagga amniga Gobalka, furista Maxkamadda u gaar ah tashigeedii u dambeeyay iyo Dar-dar gelinta Howlaha Maxkamadda Ciidamada.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maxkamadda Ciidamada ay xarun ka furan doonto Magaalada Dhuusamareeb, si loogu qaado dembiyada kala duwan ee ka dhaca Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in baahi weyn deegaanada Maamulka looga qabo Maxkamad, isla markaana lagu maxkamadeyn doono cid kasta oo dembi gasha iyo xubnaha ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee u xiran.