DHAGEYSO:-Prof. Buubaa oo si kulul uga hadlay Mucaaridka Somalia, Arinta Farmaajo iyo Somaliland

0

Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan xisbiga Wadani   horena usoo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa yidhi ayaa ka hadlay Xaalada Soomaaliya , Wuxuuna eedayn u jeediyey Musharixiinta Muraacidka ee Soomaaliya.

“Isma lihii Farmaajo ayaa kursi jacayl hayaa, laakiin waxaan qabaa in haddii la tartamo cid kursiga ka qaadi kartaaba aanay ku jirin nimankan Mucaaridka ah.”

Waxaa dhibaatadu ka taagan tahay waa Midowga Mushariixinta Qolada isku sheegta,    Madaxwaynaha waa la bedeli karaa laakiin waaa inay doorasho dhacdo,  Waxaana u cadaatay markii la gaadhay 8-Febraayo kadib  aysan Kursiga ku fadhiisan Karin, Laakiin waxaan rajjo wanaagsan ka Qabaa shirka Baydhabo “ Ayuu yidhi Buubaa.

Prof; Buubaa oo kamid yahay siyaasiyiin mucaaridka ah Somaliland kuwooda ugu saamaynta badan ayaa ka hadlay Xaalada Somaliland  iyo Xidhiidho ay dhowaan la samaysay Kenya iyo Taiwan.

Wuxuu tilmaamay inaysan jirin wax buuran oo Taiwan kusoo kordhin karto Somaliland Balse ay Khatar wayn ku tahay Somaliland, Sidoo kalana wuxuu tilmaamay inay Kenya tallaabada ay Qaaday ay tahay mid ay ku Xumanayso  DF Soomaaliya, Balse wuxuu soo jeediyey in wadahadal dhab ah lala galo   DF Soomaaliya.