Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay Guddoomiye Muudey

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Cabdiweli Sh Ibraahim Muudey.

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye Muudey ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, wuxuuna xalay Xarunta Madaxtooyada Maamulka uu kula kulmay Madaxweyne Lafta-gareen.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashada dalka ka dhacaya oo khilaaf uu ka taagan yahay iyo qodobo kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiye Muudey uu Madaxweyne Lafta-gareen ka dalbaday inuu qeyb ka noqdo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo weli la isku mari la’yahay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sigaar ah isaga xog-wareystay xaaladda deegaanada Maamulka iyo shaqooyinka halkaas ka socda.