Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo digniin u diray hay’addaha dowladda iyo laamaha amniga

0

Guddoomiyaha Maxkamadda sarre Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa digniin u diray Hey’addaha Dowladda, laamaha amniga iyo Dowladaha hoose ee dalka.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay fulin la’aanta xukunada ay ridaan maxkamadaha dalka ay ka dhalan karto ciqaab.

“Waxaa marar badan la arkaa go’aan maamul oo maxkamada ka soo baxay, oo hay’addii uu ku socday aaney fulin. Waxaan u sheegeynaa in go’aankasta oo maxkamada ka soo baxa uu yahay waajib ayna fuliso, ka gaabintiisana waxaa ka dhalaneysa ciqaab isugu jirta xarig iyo ganaax” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Guddoomiye Baashe ayaa digniin u diray ciidamada Booliiska isagoona sheegay in ay ciqaaab ka dhalan karto amarada garsoorka oo aysan fulin.

“Waxaa dhacda qof maxbuus ah oo xabsiga laga sii daayo iyada oo aan la helin amar maxkamadeed,waxaa dhacda in qof maxkamada amartay in lasoo xiro aan loo hogaansamin waarankaas” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Sidoo kale wuxuu Dowlaha hoose ku eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dacwadaha dhulka, isagoona uga digay in ay ka digtoonaadaan arrintaasi.