Beesha caalamka oo kulan la qaaday qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada

0

Waxaa xalay qadka internetka ee Zoom-ka ku wadahadlay wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Puntland iyo Jubbaland oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Kulankii xalay ayaa waxaa ka maqnaa
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Wararka aan ka helnay shirkaas dhex maray wakiillada Beesha Caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegaya in laga hadlay arrimaha siyaasadda dalka oo hadda mareysa meel aad u xasaasi ah.

Si gaar ah waxaa kulankaas diiradda loogu saaray marxaladda uu dalku geli karo wixii ka dambeeya 8-da Febraayo, marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan inuu socdo qorshe maalmaha soo socda magaalada Muqdisho la isugu keenayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, si mar kale loo wadahadalsiiyo.

Beesha Caalamka ayaa hadda dooneysa inay madaxda Soomaalida isugu keeno shir ay gar-wadeen ka tahay, maadaama ay iyagu ku guul dareysteen inay ku heshiiyaan doorashada.