Dib u dhac ku yimid kulankii baarlamaanka ee uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo

0

Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Iclaamiyay ee 5-ta bisha oo ku beegan maanta , kaas oo ay isugu imaan lahaayeen labada Gole ee baarlamaanka si khudbad ugu jeediyo Madaxweynaha.

Sababta keentay dib u dhaca Kulankaan ayaa waxaa ka mid ah laba qodob oo kala ah.

In madaxweynaha wali uu ka soo dhamaan shirkii Dhuusamareeb oo qaatay waqti dheeraad ah iyo

In maanta tahay maalin fasax ama nasiino ah, maadaama inta badan Jimcaha bulshada Soomaaliyeed nastaan.

Maalinta Sabtida oo ku beegan 6-bishaan ayaa loo qorsheeyay in kulankaan deg dega ah dhaco, waxa uuna Madaxweynaha Soomaaliya ka hadli doonaa xaalada dalka, sida ay sheegayaan warar soo baxaya