Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

0

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland, ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb eee gobolka Galgaduud, xili halkaas uu ka furmayo shirka madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Magaalada Dhuusamareeb waxa haatan ku sugan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Shirka Dhuusamareeb, oo la filayo in uu maanta furmo, waxa looga hadli doonaa muran ka aloosan Arrimaha doorashada, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada qaarkood iyo murashixiinta mucaaradsan dowladda