Puntland iyo ganacsatada Boosaaso oo isku afgartay socodsiinta shiling Soomaaliga

0

Guddiga xasilinta suuqyada lacagta Puntland iyo waxka qabashada qiima-dhaca shilling Soomaaliga ayaa soo gaba-gabeeyey kulamo ay la lahaayeen ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka ganacsiga,Wasiirkii hore ee Maaliyadda ahna xubin katirsan guddiga Faarax Cali Shire, taliyaha ciidanka booliska Puntland, guddoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso, xubnaha guddiga iyo ganacsatada gobolka.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland ahna xubin katirsan guddiga Faarax Cali Shire ayaa tilmaamay in iyaga iyo ganacsatada Boosaaso ay isla afgarteen socodsiinta Shilling Soomaaliga guud ahaan deegaamada Puntland taasi ay tahay guul usoo hoyatay Bulshada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu dambayntii ganacsatada ku booriyey fulinta qodobadii ay ku heshiiyeen guddiga iyo qaadashada Shilling Soomaaliga, isagoona caddeeyey in dowladdu qaadi doonto tallaabo walba oo lagu soo noolaynayo kalsoonidii lagu qabey qaadashada Shilling Soomaaliga.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in sariflayaasha degaamada Puntland ay durba bilaabeen isdiiwaangelintii guddigu soo jeediyeen iyo qaadashada ruqsadaha muujinaya ganacsiga si looga fogaado khalkhal suuqyada ku yimaada.