DAAWO:- Faysal Waraabe oo ka hadlay Dilkii Jen. Galaal iyo Dardaaran uu siiyey Reer Muqdisho

0

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa Tacsi ka diray Dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotelka Afrik ee Muqdisho.

Faysal ayaa sheegay inuu si gaar ah tacsi uga dirayo Geerida Jen. Galaal oo kamid ahaa Ciidamadii Xooga dalka, Wuxuuna tilmaamay inuu ahaa Halyeey  Itoobiya Cashar u dhigay xiligii dagaalkii 77.

Sidoo kale Wuxuu Faysal Fariin gaar ah u diray Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Muqdisho, Wuxuuna tilamaamay inaysan Talada Gacantooda ku jirin,   Wuxuuna xusay in Dawladaha Itoobiya, Kenya, Qatar,  Turkiga iyo Maraykanku ay  Gacan kula jiraan, oo Weliba dantooda ay  eegayaan. “Dan soomaaliyeed intuba ma wadaan” Ayuu yidhi Faysal.

Ugu dambayntii wuxuu Faysal Xusay  in  Jen. Galaal oo taariikh wayn ku lahaa ciidamada , Xus loo sameeyo ee meel gaar ah loogu magac daro.