Maamulka Gobolka Gedo Oo Si Kulul Uga Hadlay Hanjabaadii Wasiir Janan

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka ayaa si kulul uga hadlay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ee ahaa inay weerar xoogan ku qaadi doonaan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Gedo Axmed Buulle Garaad Canjeex oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in C/rashiid Janan iyo Ciidankiisa aysan marnaba soo weerari karin Balad-xaawo, isla markaana  Ciidanka xoogga dalka u taagan yihiin difaaca dalka iyo Gobolka.

Waxaa uu shacabka degan Balad-xaawo ugu baaqay Guddoomiye Cajeex ay ku kalsoonadan Ciidanka Xoogga oo aysan barakicin, wuxuuna caddeeyay in Maamulkiisa uu damaanad qaaday in Ciidanka ay heegan buux ugu jiraan difaaca nafta iyo hantidooda Shacabka.

“Waxaana uu u damaanad qaaday in qaybaha Ciidamada Qalabka Sida ay heegan buuxa ugu jiraan difaaca naftooda, sharaftooda, iyo hantidooda” ayuu yiri Guddoomiyaha Gedo oo ka Jawaabayey hadalkii Janan ee ahaa in shacabka isaga qaxaan Balad-xaawo, maadaama ay weerar kusoo qaadi doonaan.

Sidoo kale Guddoomiye Axmed Buulle Garaad ayaa intaas kusii daray “Waaa Been idinma soo weerari karaan Ciidanka Fallaagada ah, waxay rabaan in aad cabsi ku noolaataan, jooga guryihiina, dhiigeenna ayaan u daadinaynaa difaaca Naftiina”.

Si kasatab hadalka Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cajeex ayaa waxaa kusoo aadaya, iyadoo shalay C/rashiid Janan uu ku hanjabay inay weerar ku yihii Balad-xaawo, isla markaana ku dhawaaqay dagaal Guul ama Geeri ah, isagoo shacabka degan degmadaas ugu baaqay inay isaga barakacaan oo ay la cararaan natooda iyo maalkooda.