Talyaaniga Oo Lugaha La Galay Xiisad Siyaasadeed Iyo Sababta Ka Dambeysay

0

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa Madaxweynaha waddankaas u gudbiyay warqadiisa iscasilaadda, kadib markii Xukuumaddiisa lagu dhaliilay qaabka ay u wajahday Fayraska Korona.

In ka badan 85,000 oo muwaadiniinta waddankaas ah ayaa u dhintay cudurka.

Conte ayaa rajeynaya in Madaxweynaha Talyaaniga uu u oggolaan doono inuu soo dhiso dowlad xooggan, kadib markii uu lumiyay aqlabiyaddii uu ku lahaa golaha senate-ka.

Haddii uu ku guuldaraysto hawshaas, waxa loo xil-saari doonaa qof kale oo haddii uu isna soo dhisi waayo xukuumad adag uu dalka u dareedi doono doorasho horleh.

Conte oo jaamacad ka dhigi jiray maadada qaanuunka ayaa todobaadkii hore ka badbaaday cod kalsoonida loogala laabanayay oo ay u qaadeen xubnaha aqalka hoose.

Codka ayaa loo qaaday kadib markii uu isbahaysiga talada haya ka baxay xisbi yar oo lagu magacaabo Italia Viva, kaasoo uu hogaamiyo ra’iisal wasaarihii hore, Matteo Renzi.